У нас вы можете посмотреть бесплатно BBC oo booqatay furimaha dagaalka Puntland ee Daacish (IS) или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
#BBCAfricaEye ayaa raacday ciidamada Puntland ee jooga furimaha hore ee bariga fog ee Soomaaliya, iyadoo baaritaan ku samaynaysa sida ay kooxda Daacish dib isugu soo abaabushay, u soo jiidatay dagaalyahanno shisheeye, isla markaana u ballaarisay saamaynteeda qaaradda Afrika oo dhan. Muna Cali Daahir waa sarkaal ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland. Muddo ka badan sannad waxay dagaal kula jirtay maleeshiyaad xiriir la leh kooxda Daacish. Subax kasta, ka hor inta aysan ku laaban furimaha hore ee dagaalka, waxay wacdaa carruurteeda si ay ugu sheegto inay nabad qabto. Kooxda Africa Eye ayaa raacday Ciidamada Difaaca Puntland xilli ay ku sii siqayeen dooxooyin fogfog iyo godad ay ku dhuumaalaystaan dagaalyahannada Daacish. Askarta ayaa inoo sharraxay qabashada xubno shisheeye ah oo ugu soo safray Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda. Taliyayaasha Puntland waxay sheegeen in laantan ay u noqotay mid ka mid ah xarumaha hawlgallada ee ugu muhiimsan ee Daacish ku leedahay Afrika. Tuulooyinkii dhowaan la xoreeyay, dadka deegaanku waxay ka sheekaynayaan noloshii xilligii ay maamulayeen maleeshiyaadku, iyagoo sharraxaya cabsida, dadka la waayay, iyo dilalka wali dhibaatada ku haya qoysaska. Bulshooyinka ayaa si tartiib tartiib ah dib u dhis u samaysanaya, balse nabarradii mahadhooyinka wali waa ay muuqdaan. Saamaynta dagaalku waxay dhaafsiisan tahay xuduudaha Soomaaliya. Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku tilmaamay qaaradda mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagula dagaallamo kooxahan xagjirka ah. Duqaymaha Maraykanka ayaa lala beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku sugan buuraha Puntland. Saraakiisha AFRICOM waxay ka digayaan in shabakadda Daacish ee Soomaaliya ay hadda door dhexe ku leedahay hawlgalladooda qaaradda Afrika oo dhan, iyadoo boqolkiiba 90 dakhliga Daacish uu hadda ka soo xaroodo qaaradda. Xilli ciidamada Puntland ay isu diyaarinayaan weerar ay rajaynayaan inuu noqdo gabagabeynta dagaalka, ayuu Saxnuun Axmed waxa uu raacay askarta ku sugan furimaha hore, isagoo jawaab u raadinaya su'aasha ah in Soomaaliya ay tahay goob muhiim u ah hamiga caalamiga ah ee kooxda Daacish.