У нас вы можете посмотреть бесплатно Gabaygii Xiin-finiin ( Awjaamac , Idaajaa , YamYam ) или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Gabaygii Xiinfiniin Aw jaamac Cumar Ciise gabaygan wuxuu ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar, sannadkii 1955kii. ............................................................... waxaa Akhriyaya Axmed Faarax Cali idaajaa .................................................................. Abwaan Yamyam ayaa Fasiraya Earyada culculus ee gabayga ku jira. .................................................................. Warbixin ku saabsan Xiin Finiin Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyay. Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo, si uu jihaadku u sii xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuun buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku yiri: Wax walba wow huraayaa ninkii ii walaal noqone. Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge. Daraawiishi farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaan Xiin Faniin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee. sidii loo yiri dhegtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday u tagtay Sayidka wuxuu guddoonsaday inuu faraska bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay. ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey Xayow Faaraxow1 hadal rag waa, loo xutubiyaaye Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye Markaad Xiin Finiin2 damacday baan, kaa xanuunsadaye Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane Mar hadduu suldaan3 igu xil lihi, igaga xayddaantay Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.