У нас вы можете посмотреть бесплатно 27 Ramadan или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Caawa waa 27 ramadaan waa habeenka loogu rajada weyn yahay in uu noqdo Laylatul Qadari. Waxaa laga wariyey Muslim ibn al-Hajjaj, Ahmad ibn Hanbal, Abu Dawood, iyo Al-Tirmidhi In Ubayy ibn Ka'b uu yiri: “Wallaahi ilaaha, Ilaah kale oo xaq lagu caabudo uusan jirin mooyee, habeenkaas wuxuu ku jiraa Ramadaan.” Wuxuu ku dhaartay arrintaas isagoo aan wax ka reebin. Kadibna wuxuu yiri: “Wallaahi anigu waan garanayaa habeenka uu yahay; waa habeenkii uu na faray Rasuulka ﷺ in aan tukanno salaatu leyl. Waa habeenka 27-aad. Calaamaddiisuna waa in qorraxdu soo baxdo subaxdiisa iyadoo caddaan ah oo aan lahayn fallaaro – shucaac yacni (iftiin xoog leh).” Xadiiskani wuxuu tilmaamayaa in Laylat al-Qadr ay aad ugu dhowdahay habeenka 27-aad ee Ramadaanka, sida uu sheegay saxaabiga Ubayy bin Ka’b. وعدد الصحابة الذين ... قد جمعوا كتابه المبين وأكملوه والرسول حي ... أربعة أقرؤهم أبي 4ta saxaabi uu quraanka kulmiyey iskuna wada keenay xilligii uu noolaa rasuulka sallalaahu calayhi wasallam waxay kala ahayeen, kan ugu aqoon badna akhriska Qur’aankana waa Ubayy ibn Ka'b.” Ha helmaamin 1. Allahum innaka Cafuwun tuxibul Cafwa Facfu Cannii. 2. In aad quranka qadar ka akhriso. 3. In aad Saddaqo la baxdo intii tabartaada. 4. In aad digriga ku dedaasho (Subxaanallaah iyo walaalaheed) 5. In aad muraadkaada alle weydiisato – ducaysato-. 6. In waalidkaa iyo Guud ahaan Muslimiinta u wada ducayso. 7. In aad xumaan oo dhan aad ka fogaato.