У нас вы можете посмотреть бесплатно 01; Haraagii Diimihii Hore ee Soomaalida: Baresare Cabdalla C. Mansuur или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
MOWDUUCA: DOWRKA DIINTA Ka hor intii aan Sayidka iyo Daraawiishtu bilaabin dhaqdhaqaaqoodii, degaanka Soomaalidu wuxuu u dhexeeyay labo kooxood: Wadaadka iyo Waranlaha. Wadaadnimo waxaa ku suntanayd inta arrimaha diinta qaabilsan, halka Waranluhu ahaa hubqaadka dirir iyo dagaal-u-joogta ah. Mowduucani waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa lidnimada laga dhexaysiiyo wadaadka iyo waranlaha. Xilligii Dawladdii Daraawiishta, wadaaddo badan ayaa iyaguna abaabulay ciidammo oo qaaday ‘Jihaad’. CASHARKA: HARAAGII DIIMIHII HORE EE SOOMAALIDA Baresare Mansuur waxa uu waxa uu guudmarayaa asaasankii dhaqan diimeedka Soomaalida and dadka kale ee Geeska Afrika ku nool. Baresare Cabdalle waxa uu noo soo jeedin qaabka Soomaalida dhaqan gelin jirtay rumaynta diimeed iyo saameynta ay ku yeelatay afkaartooda diimeed, ilaa iyo maanta. SOOJEEDIYE: Cabdalla Cumar Mansuur 80-meeyadii wuxuu baresare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dagaalkii sokeeye ka dib, wuxuu bare ka noqday jaamacad ku taalla Rooma (Università degli Studi Roma Tre). Halkaas oo uu haatan weli ka wado hawsha mashruuca Kaydka Soomaaliyeed (Archivio Somalia) ee Xarunta Cilmibaarista Soomaaaliyeed ee isla Jaamacaddaas. Muddo badan ayuuna ku hawlan yahay cilmibaarista afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, buugaag iyo maqaallo badan ayuuna ka qoray. Buugaagtiisa ugu doorka roon waxaa ka mid ah: Barashada Naxawaha Af Soomaaliga, (la qoristii: Prof. A. Puglielli) London 1999; Qaamuuska Af Soomaaliga, (la diyaarintii Prof. A. Puglielli) Roma 2012; Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed (daabacaaddii 2aad); Le lingue Cuscitiche e il Somalo, Studi Somali N.8, Roma 1988; Afafka Bahda Kushitigga iyo taariikhda Af Soomaaliga, Muqdisho 1981; Astaamaha guud ee Maansada Soomaaliyeed, (daabacaaddii 2aad). Wuxuu ku nool yahay magaalada Rooma ee Talyaaniga. XIRIIRIYE: Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon waa qoraa, bare iyo cilmibaare afka, dhaqanka iyo sooyaalka Soomaalida. Wuxuu hore u qoray dhawr buug oo kala ah kuwo waxbarasho iyo sheekooyin, waxaana ka mid aha: Impariamo il Somali-Aan baranno Talyaani (1997), Qoraal akhriska far Soomaaliga buugga 1aad (2008), 2aad (2009), 3aad (2011), Wadajir baa awood leh (2017), Baxaar Boqorkii Webiga (2019), iyo 1969 (2020).