У нас вы можете посмотреть бесплатно Qisadi jaceyl ee xanuunka Badneed Dunida ee Cilmi Boodhari iyo Hodan By Cabdisalam Hareeri или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Cilmi Boodhari(Ahun) wuxuu ahaa nin ku dhashay agagaarka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, Cilmi Wuxu Cilmi la dhashay nin la odhan jiray dhaameel, islaan haddeertadan nool iyo nin la odhan jiray Ibraahin Jees, oo uu gabayadiisa ku hal-qabsan jiray. Sida ay sheegtay walaashii oo hadda nooli dalka magaalada u camiran waqtigaasi waxa ay ahayd magaalada Berbera, deegaankiisuna wuxu ku dhawaa xagga Berbera, markaa waxa ay ahayd arrin iska daiiciya markaa in uu Berbera shaqo u raadsado. Wuxu shaqo ka helay Roodhiile/Moofo uu lahaa Allaah naxariistiisii janno ha siiyee taajirkii weynaa ee la odhan jiray Xaaji AAdan Rooble Qabille oo moofooyinkii ugu horreeyey geyiga Soomaaliyeed ka aasaasay Berbera, Burco iyo Hargeysaba bilowgii 1900kii. 1930-naadkii ayaa magaalada Berbera waxa caan ka noqday nin dhallinyaro ah oo miyiga ka yimid waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso cilmi boodhari Goor aroor ah ayaa waxa u timid gabadh aad u qurxoon oo dhallin yar oo rooti inay gadato rabtay--magaceeda waxaa la oran jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Gabadha waxaa dhalay nin taajir ah, oo reer magaal ah, oo ingriiska u shaqeeynjiray, tarjumaan ahaa. Dukaankii roodhida lagu iibiyey ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyneyey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ee la odhan jiray Maxamed Cumar Huryo Ahun) uu ku sifeeyey sidan: Markay socodka damacdee!“ Deggenida tallaabada Miisaanka lagu daray Laafyaha la daawado Dadku waxay yiraahdaan: May daarin ciidee Indho deeraleeyey