У нас вы можете посмотреть бесплатно Deg-deg: Somaliland Oo Go'aan Cad Ka Qaadatay Safaaradda Turkiga Ee Hargeysa & Xaaladda Taagan или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Deg-deg: Somaliland Oo Go'aan Cad Ka Qaadatay Safaaradda Turkiga Ee Hargeysa & Xaaladda Taagan. Hargeysa (JM) - Dawladda JSL, ayaa go'aan cad ka qaadatay safaaradda dawladda Turkigu ku leedahay Magaalada Hargeysa. Dawladda Turkiga oo ka soo horjeedda Aqoonsiga Somaliland ka heshay Israel isla-markaana ku hawlan inay ka hor-tagto in dalal kale sida Israel u aqoonsadaan JSL, ayay dadweynaha Somaliland su'aalo badan iska waydiinayeen sababta Xukuumadda Somaliland u xadhi wayday Safaaradda Turkiga ee Hargeysa, si la mid ah sidii safaaradda Jabuuti. Laakiin, Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegtay in aanay u qorshaysnayn inay xidho safaradda Turkiga, balse qorsheedu yahay inay dawladda Turkiga ku qanciso qadiyadda Madax-banaanida JSL. Safiirka cusub ee uu Madaxweyne Cirro u magacaabay dalka Israel Maxamed Xaaji, ayaa intii uu ahaa la-taliyaha Madaxweynaha ee siyaasadda arrimaha dibedda waxa uu waraysi uu bixiyey Todobaadkan ku caddeeyay in aanay dawladda JSL qorshaha ugu jirin inay xidho safaaradda Turkiga. Balse, qaar ka mida Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Somaliland oo ka hadlay sababta Xukuumaddu u xidhi la'dahay Safaaradda Turkiga, ayaa su'aal-geliyey inuu jiro heshiis aan la ogayn oo Xukuumaddu kula jirto dawladda Turkiga oo ban-baxday dagaalka ka dhanka ah qadiyadda Somaliland iyo aqoonsiga ay ka heshay Israel. Dadka arrintan ka hadlay, waxa ka mid ah Yaasiin Maxamed Yuusuf oo ka mid ah siyaasiyiinta falanqeeya siyaasadda gudaha iyo dibedda ee JSL.