У нас вы можете посмотреть бесплатно Madaxweyne Xasan oo amray in canshuurta laga dhaafo alaabaha loogu talagalay gurmadka abaaraha. или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay tallaabo degdeg ah oo lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, kaddib markii uu amray in canshuuraha laga dhaafo dhammaan alaabaha, deeqaha iyo adeegyada loogu talagalay gargaarka bani’aadannimo ee dalka soo galaya. Go’aankan ayaa yimid kaddib booqasho uu Madaxweynuhu ku tagay maanta Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan saameynta abaarta, barakaca shacabka, nafaqo-darrada iyo khataraha macluusha. Warbixinta SODMA ayaa muujisay in abaartu saameysay malaayiin qof, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo boqolaal kun oo qoysas ah ay barakaceen. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, ganacsatada, ururrada samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in ay mideeyaan dadaallada gurmadka si loo badbaadiyo nolosha dadka ay abaartu saameysay. 📌 Daawo warbixinta oo faahfaahsan 📢 Raac Dawan Africa si aad ula socoto wararka ugu dambeeya ee Soomaaliya #DawanAfrica #Somalia #AbaartaSoomaaliya #Gurmad #SODMA #XasanSheekh