У нас вы можете посмотреть бесплатно Ma ogtahay aduunyada axad baa la taagee | Maxamed S Tubeec | Waxaad igu abuurtaan | amaanada ilaahay или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
HEESTA: Ma Ogtahay Adduunyada ERAYADA: XUSEEN AW FAARAX LUUQDA: MAXAMED S TUBEEC LYRICS: DHUGMAAL LYRICS QORAALKA HEESTA (LYRICS) Ma ogtahay adduunyada Axad baa la taagoo Adigana isniin buu Jacayl kuguu ilkaystee Arbacaa sidaadii Anna laygu beeree Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee ************************ Ma ogtahay ayaantii Ilmadu kaa da’eysee Indhahaada qoysaa Inanyahay xasuustoo Uurka aan ka ooyoo Waan ka ashahaatee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayeee Ammanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee ********************** Ma ogatahay afkeygii Inuu aamus diidoo Aayadaha quraan iyo Aamaantaada mooyee Arrin kale inuu fulo Ogolaani waayaa Waxaad igu abuurtaa La adkeysan waayee Amaanada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee ******************** Ma ogtahay sidii aqal Magaaloo aroos iyo Iid loogu talagalay Ama ubaxa deyreed Waad ii udgoontoo Iimaanka deeqdee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammaanda illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee ************************ Ma ogtahay sidii roob Onkod iyo hilaac badan Oo arooryadii da’ay Ama oogta waabari Eedaankaa subaxdii Waad ii iftiintaa Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayeee Ammaanda illaaheey Noqqo kumaan ilaawine Aamiin allaahayow Waa ammaanadaadee ************************* Ma ogtahay amaah maqan Xaquu kaama oowdee Ruuxii ku aaminay Haddaan loo abaal gudin Aakhiro Aboor cunay Ka ilaali maysidee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammaanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayow Waa ammaanadaadee #dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics #DHUGMAAL