У нас вы можете посмотреть бесплатно Safar Dalxiis oo isu Beddelay XabsiJirdil Iyo Ciqab Aad udaran| Qiso Dhaba!! или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
31-kii Diseembar 2003, bas dalxiis oo Yurub maraaya ayaa istaagay bar-kontorool dowladeed. Rakaabka waxaa ku jiray nin 41 jir ah—muwaadin Lubnaanis asal ahaan, balse Jarmal haysta, kana shaqeeya dib-u-iibinta baabuurta la isticmaalay. Safarka wuxuu u ahaa “nasasho” iyo inuu hawada beddesho… balse hal daqiiqad ayaa noloshiisa dhan beddeshay. Askartii kontoroolka ayaa magaciisa ku dhawaaqday, waxayna ka dalbadeen inuu ka dego baska. Markuu dhulka istaagay, hab-dhaqankoodii wuu is beddelay: ✅ qaylo & hanjabaad ✅ garaacid arxan daran ✅ madaxana maro madow ayaa loo galiyay—dhammaan waxani waxay ka dhaceen hortii rakaabka baska. Waxa yaabka leh: ma ahayn burcad, waxay ahaayeen ciidan dowladeed oo jooga kontorool rasmi ah. Laakiin sheekadu halkaas kuma dhammaan… 5 maalmood kadib, markii maradii laga qaaday, wuxuu ogaaday wax aan maskaxdiisu qaadi karin: 👉 Waxaa loo qaaday Afgaanistaan. Xabsi aan sharci lahayn, wareysiyo cabsi ku dhisan, hurdo-diid, iyo cadaadis nafsiyeed—noloshiisii caadiga ahayd hal habeen ayay ku dhammaatay. Muuqaalkan waxaad ku ogaan doontaa: Sidee “digniin ” computer ka baxday ugu filnaatay in la go’aamiyo noloshiisa Waxa ka dhacay wareysiyada 3 saac ee isku su’aal ah + jirdil Sida loo rqaday: gaari aan taariko lahayn ➝ dhisme qarsoon ➝ diyaarad xamuul ➝ xarun dhulka hoostiisa ah Sababta dhabta ah ee loo beegsaday… taas oo marka aad ogaato aad dhihi doonto: “SUURTOGAL MA AHAN.” 🎥 Haddii aad daawanayso markii ugu horreysay: Magacaygu waa Hamse—waxaan kuu soo gudbiyaa qisooyin dhab ah oo dunida ka dhacay. Subscribe saar channel-ka si aan uga wada qeybgalno sheekooyinka ugu yaabka badan. 💬 Su’aal: Adigu ma u malaynaysaa in murankii isaga iyo xaaskiisa uu wax lug ah ku lahaa? Fikirkaaga nagu reeb comments-ka.w