У нас вы можете посмотреть бесплатно XOG CUSUB: Qabiilada Habarjeclo Iyo Garxajis ee Kenya Aasaasay Iyo Xilliga Waalidkood Degay Nairobi. или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
XOG CUSUB: Qabiilada Habarjeclo Iyo Garxajis ee Kenya Aasaasay Iyo Xilliga Waalidkood Degay Nairobi. Ayeeyo Sahra Warsame Cabdille waxay ku dhalatay magaalada Nakuru ee badhtamaha Kenya sanadkii 1936. Aabaheed Warsame Cabdille wuxuu lahaa 10 carruur ah oo ku kala dhashay magaalooyinka Nakuru iyo Gilgil ee ismaamulka Nakuru, labada magaalo oo isu jira qiyaastii 40 km. Ayeeyo Sahra waa da'adii ugu yareeyd ee Warsame Cabdule, sidoo kale waa qofka keliya ee carruurtiisii maanta nool. Waxaa xusid mudan in aabaheed uu ahaa Chief-kii labaad ee magaalada Nakuru sidoo kalena uu ahaa ku-xigeenkii Chief-kii ugu horreeyay ee magaalada Sheikh Muuse Xuseen (Muuse Dhaafte) oo ay isku reer ahaayeen. Caadi ahaan jagada Chief-ka degmada waxaa loo magacaaba qof ka soo jeeda dadka deegaanka ama ka mid ah qoysaskii aasaasay degmada. Chief ku wuxu xiliga la awood aha badhaasab. Nakuru aya ah caasimada gobolka ugu weeyn Kenya ee Rift Valley. Waxa Nakuru laga xukuma 14 kamid ah 47 ka ismaamul ee Kenya. Magaalada Nakuru waa magaalo aad u qurux badan oo ku taalla badhtamaha Kenya. Waa magaalo dalxiis caan ku ah maadaama ay kutaalo "Lake Nakuru National Park" oo leh haro weyn iyo duurjoog badan oo ay ka mid yihiin shimbiro iyo xayawaan kala duwan. Sido kale Nakuru waa magaalo roob badan leh taasoo ka dhigaysa dhul beereed aad u wanaagsan. Dalag badan oo ka mid ah kuwa Kenya laga beerto ayaa ka baxa deegaannada ku xeeran magaalada. Taasi waxay Nakuru ka dhigtaa meel isku darsatay quruxda dabiiciga ah, dalxiiska, iyo wax-soo-saarka beeraha. Alle cimrigeeda ha u barakeeyo Ayeeyo. Si gaar ah aniga hooyaday ayey eedo utahay. Ayeeyo Sahra waa HJ, Yeesif. Xasan Cige Muuse waxa uu ku dhashay xaafadda Eastleigh Section 3 sannadkii 1931. "Aerodrome" waxa uu ulajedaa "Eastleigh Airbase" Xarada ciidamada cirka ee islii oo marka ahayd xarun ciidamada cirka ee ingiriiska. Xasan waa ganacsade hanti badan ku tabcay Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, isaga oo ka dhex muuqda bulshada ganacsatada. Waxa uu ku lahaa 4th Street Eastleigh (Islii) goob lagu magacaabi jiray Moyale Lodge, taas oo ahayd meel ay si badan ugu soo degi jireen bulshada Soomaaliyeed marka ay yimaadaan magaalada Nairobi. Si gaar ah saldhig ayey u ahayd bulshada reer Somaliland. Goobtaas hadda waxa uu ka dhisay Moyale Shopping Mall. Aabbihii, AHN Cige Muuse Mohamed waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee Isahakia Welfare Association, dalada guud ee Isahakia Kenya oo aan anigu maanta gudoomiye ka ahay. Sidoo kale, Xasan waxa sodog u ahaa AHN Abwaan Maxamed Nuur Fadal, oo ahaa gabayaa caan ah, halgamaa iyo ganacsade weeyn, Isla markaana saaxiib dhow la ahaa aabbihii Cige Muuse. Midab takoorka uu Xasan ka sheekenayo waa tii laga dagaalamay oo markii dambe lagu guuleystay in bulshadan dabaqada hoose laga saaro AHN Xajiyadiisii Sahra Maxamed Nuur Fadal aya dhowaan ku geeriyootay magaalada Nairobi. AHN walakii Mohamed Cige Muuse aya isna sanadkii 1922 kudhashay xaafada Eastleigh, Mohamed waxa uu geeriyooday sanadkii 2024 isago 102 sano jira. Hassan waa HJ, Solomadow. #wararka #wararkamaanta #jabuuti #somaliland #wararka_caalamka #wararkasoomaaliya #wararkiiugudambeeyay #wararkiiugudambeeyey #xasansheekh #arabsiyonews