У нас вы можете посмотреть бесплатно “Heesta ugu Dalabaadka Badani Waxay Ahyd Baladweyn” Xasan A. Samatar или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Ereyada:- Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Codka :- Xasan Aadan Samatar. Waxaan halkan idiinkusoo gudbin doonaa qisada Heesta “Balad Wayn/Beer Lula” ee uu alifay Alle cilmiga iyo caqligaba haw barakeeyee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “HADRAAWI”, waxaanna ku luuqeeya Fanaan Xasan Aadan Samatar. Waa sheeko yaab leh oo runtii cajiib ah Waxaana afkiisa ka sheegaya mar waraysi laga qaaday Abwaan Hadraawi waatan qisadda ay heestu ku timi; 1970 waxa aanu nimi magaalada Beled Wayn, waxa aanu isugu jirnay Macalimiin; Arday iyo Koox Muusiga tumaysa oo Militeri ah, waxaannu wadnay Barnaamuj hanuunin ah oo laga waday Gobolada Dalka oo dhan “Soomaaliya”, Annagu waxaanu wadnay Dugsiga Sare ee “Dhagax Tuur Secondary School” ardaydiisii. Raga meesha maraayey ee aannu wada soconay waxa ka mid ahaa Xasan Sheekh Muumin, Salaad Maxamed “Derbi”, Maxamed Warsame, Cabdikariin Jiir Iyo rag kale oo Suugaanta ku can ah. Gobolkaanu ku qornayn wuxuu ahaa Baydhabo, School walba Gobol ayaa loo diraayay markaanu Barnaamujkii kasoo qabanay Baydhabo ee aanu soo dhamaynay ayaa nala yidhi waxaad soo martaan Belad wayne, School kii loo diray muu tagine Kabacdi Balad wayne ayaanu goor habeenimo ah soo galnay kooxdayadii. Habeenkii waxa nala siiyey meel aannu seexano, halkii ayaanu seexanay waagii ayaa beryay dadkii way wada tooseen anigu wali maan toosin waan ka dambeeyey waxa iigu yimi halkii aan hurday laba Macalin oo Beled Wayne wax ka dhiga oo aanu is niqiinay, waanu is raacanay waxay I geeyeen Maqaaxi ku ag taala Wabiga Shabeele waanu ka quraacanay. Markaannu quraacdii dhamaysanay ayay I yidhaahdeen; Ina mari waxaannu kusoo tusaynaa Buundada la yidhaah “Liiq Liiqato”, waa Buundo yar oo ku taala wabiga, waxaanay ka samaysantahay qoryo waxaan mara dadka oo Baabuuri ma mari karto waxaana ay ka xidhantahay labada dacal oo kaliya, markaad dul maraysano way kula lul maysaa. Waxa kale oo doonayeen inay isoo tusaan Secondary-ga ay dhigaan oo loosi maraayo Buundada. Waanu is raacnay Buundadii markaanu marayno Ayaan kaga yara hakaday/ kaga hadhay waxaan daawanayaa Wabiga iga hooseeya Dadbaa ka dhaansanaaya Xoolana way ka cabayaan, waa subax hore cadceeda falaadheheeduna qurxinayaan webiga iyo hareerihiisa. Labadii Macalin way ka talaabeen Buundada waxay ii taagan yiin kayn hadhleh hoostooda oo ay igu sugayaan intaan daawashadayda dhamaysanaayo. Markaan cabaar yara daawanaayay wabigii Ayaan damcay inaan ka daadago biriijka ninamkii oo dacalkaan kasoo kornay mooyaane dacalka kale taagan xagoodi usoo dhaqaaqdaan is idhi ee aanan wali dhaqaaqin, waxaanisha ku dhuftay inan kasoo koraysa Biriijka dhankaan ugasoo dhaadhacayay amintu waa subax ilaa 08:00 Subaxnimo, inantu waxay leedahay timo dhaadheer waa u fur furanyiin, xaga dambena Cadceedii ayaa timaha ka haysa. Dhaqaaqdaan is idhi Ayaan socon kari waayayba, waxa niyadayda kusoo dhacday talow inanta ha lama laba ma ku tidhaahdaa, hadana waxaan is idhi niyow hablaha Soomaaliyeed waad taqaanaaye imikay ku caayaysaaye mayska daysaa waxba hala hadline, markaan intaas is idhi ayay inantii isoo gaadhayba, way aragtaa inaan meesha kas u taagnahay. waxaan arkay iyadoo yar qoslaysa markaasan laba eray oo carabiya ku idhi oo macneheedu noqonaayo “Waxa Xumaan Ka Nasahan Allihii Ku Abuuray SWT”, Waxannay iigu jawaabtay “Shukran". Intaas kabacdi waxaanu is waydaarsanay dhawr kalmadood wallow ay iga buruud sarayso oo hadal daaye aanan indhaha siin karayninba, waanu isasoo raacnay hadalkii na dhex maray intaanu sii soconay