У нас вы можете посмотреть бесплатно Abiy Ahmed oo wax laga weydiiyay Somaliland iyo Soomaaliya heshiisyo uu la galay или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa mar kale ku celiyay sida ay Itoobiya ku lumisay Badda Cas oo uu sheegay "in qaladaad sharci ah ay ka jiraan". Abiy waxa uu sheegay in go'aanka uu dalkiisu ku lumiyay marin-badeedka Badda Cas aanu ahayn mid ay gaadheen golihii wasiirrada ee waqtigaas, islamarkaana aanay jirin hay'ad sharci ah oo ansixiyay, baarlamaan meelmariyay iyo afti laga qaaday shacabka Itoobiya. "Itoobiya badda waxay ku wayday halgan qaatay 30 sano. Rafaad badan ka dib ayay weyday. 30 sano oo dambe in ay qaadan doonto uma malaynayo. Waddo xasilloon oo wadahadal ah in lagu socdo ayaa loo baahan yahay," ayuu yiri Abiye. Isaga oo ka hor hadlayayay baarlamaanka ayuu hadalkiisa raaciyay: "Markii aan rogrognay documentiyadii golaha wasiirrada wax ku jira ma leh. Golaha wasiirradu kama warqabin. Maya e' waxa ansixiyay golaha wasiirrada. Baarlamaanku waxba kama ogayn. Xitaa waxba kama jiraan in dadka Itoobiyaanka ah afti laga qaaday".