У нас вы можете посмотреть бесплатно Jacayl Dhiig Malagu Qoray/Barnaamijka Dhambaaladii Caan Baxay & Dharaarihii Samaa или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Dhambaaladii Caan Baxay & Dharaarihii Samaa Xubinteena Maanta: Jacayl Dhiig Malagu Qoray Waxay ahayd 1971 kii anaga oo dhawr ah waxaanu fadhinay gurigii alle ha u naxariistee (xaliimo khaliga Cumar mCumar) oo ku yaalay xaafadda shiikh Cali suufi ee magalada muqdisho Dadka aan hada ka xusuusto ee maalintaa nala joogay waxaa ka mid ahaa (maxamuud ismaciil xudaydi) (Cabdi kariin jiir) iyo magool oo aanu marti u ahayn. Goor casar liiq ah ayaa nin soo garaacay albaabka gurigi aanu fadhinay oo u yimi magool una dhiibay waraaq ma hubo meesha uu ka keenay waraaqda Magool way furtay waxayna aragtay in warqadu ku qorantahy afka carabi ga inta ay fadhigii iiga yeedhay oo i geysay qolkeedii hurddada ayay tidhi Waraaqdan akhri.waraaqdii ayaan si fiican u wada furay khad cas bay ku qoran tahay waxayna ku dhigan tahay af carbeed. Waaan bilaabay hadal kii sidii nin isaga loo soo qorayna waan u akhriyay fariintii Wixii aan filayay wax ka duwan oo cajiib ah oo layaab leh ayaa ka soo baxay waraaqdii Waa nin hadlaya waa nin suudaani ah. Jacayl buu ka hadlayaa. Khartuum buu ka soo diray Magool buu usoo diray oo uu jecel yahay. Luuqada ay ku qoran tahay waa carabi. Jacayl hadii laga hadlayana afka carabiga wax jacayl kaga xeel dheeri ma jiraan. Habla heena fanaanin ta ahi suudaan ayay tagi jireen xiliga dabaal degga gobanimada waddan kaas Aad baaa fankooda looga jeclaa guud ahaan gaar ahaan magool aad baa looga sii jeclaa Hadaba maan garan in uu ninkani magool fankeeda jecladay iyo in uu sideeda kale u jeclaaday Qofku marka uu iska yeel yeelayo iyo marka kale waa kala luuqad ‘qoraalkii warqadu wuxuu igu riday dareen hoose. Waxaan arkay wax aanan waligay ku seexan kuna soo toosin Ninka fariinta soo diray wuxuu soo arartaba markuu jacaylkiisii ka sheekeeyay Aakhirkii wuxuu ku soo gaba gabeeyay Khadka aan warqada ku soo qoray qalin cas maaha wax kale maan samayn intaan siliij soo qaatay oo aan xididdayda mid dalooliyay ayaan dhiig kaga soo qaaday oo aan ku shubay qalinkii (abuu sakaalaha) la odhan jiray. Dabadeedna waxaan warqada ku soo qoray waa dhigaygii aan xididka ka soo nuugay! !! Dhulkaa ila wareegay waa todobaa tameeyadii oo dalkuba jacayl buu la ciir ciirayaa Tanise waa yaab anigu wax baan tiriyaa lakiin in jacalku ilaa heerla gaadhayo oo xididka la daloolinayo aniga sheekada iigumay jirin bahalkaad dhayal sanaysay ma sidan buu halis uyahay ayaan is way diiyay markaasay igu soo dhacday fikirka magaca heestu ( jacayl dhiig malagu qoray) Magool warqadii baan u akhriyay raad culusbay se igu reebtay ninka sheekadiisii Waxaan degenaa lafoole habeeno badan bay I hor iman jirtay dhacdadii waraaqdu Waa markii iigu horaysay ee sheeko caynkaas ah oo jacaylku wuu jaadad badan yahaye mid sisaas u halis ah oo xididada ladaloolinayo aan maqlo hore maskax dayda uma soo marin mana aan maqlin In badan markii aan ka fikiraayay ayaan waxaan go aansaday in ninkaasi wuu iga yaabiyay ee anna aan isaga ka yaabiyo oo qayaabaad ku rido. Sida uu hadraawi sheegayNinkii suudaaniga ahaa wuu yimi muqdisho tiroba dhawr jeer waana ay is barteen hadraawi balse uma suuro gelin in uu helo Xiddigtii Somalia ee Magool. waxaa qisada lagu daraa balse aanan ka maqal afka hadraawi in ay arrintu gaadhay kooxdii fanaaniinta suudaan oo afrika calanka u siday sida Maxamed werddi iyo dawladdoodii somalia na tiroba dhawr jeer la wayddiistay magool dadku waxay ku daraan hadalka in maxamed siyaad barre markii loo yimi uu yidhi ka warran astaanta qaranka suudaan ma nalasiinkaraa? maya markii ay yidhaahdeena uu yidhi Magool waa astaanta qaranka somalia hadal sidaa u dhigan. Abwaan Hadraawi ayaa marka sawiraya mid kamida mawjad aan xuduud lahayn iyo dunidan. Jacayl dhiig ma lagu qoray? Weli dhuux ma loo shubay? Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha? Dhabannada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay? Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen? REF: Barnaamijka Tixmaal Djibouti,,,,, Soosaaraha Barnaamijka Suxufi Faisal A Abroone Gudoomiyaha Machadka Baarista Taariikhda & Dhaqanka Caro Edeg,,