У нас вы можете посмотреть бесплатно Xaggee ku maqan yihiin xulafadii Iiraan? | Falanqeyn или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Dagaalka u dhexeeya Iran, Mareykan iyo Israa’iil ayaa galay maalintiisii toddobaad, iyadoo weerarro iyo jawaab-celin milatari ay ka socdaan qaybo kala duwan oo Bariga Dhexe ah. Weerarrada bilowday dhammaadkii Febraayo 2026 ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo milatari iyo nukliyeer oo ku yaalla Iran, waxaana xigay gantaallo iyo drones ay Tehran ku weerartay saldhigyo Mareykan iyo bartilmaameedyo kale oo gobolka ku yaalla. Falanqeyntan, Nimaan Osman iyo Iman Jama waxay diiradda ku saarayaan su’aal muhiim ah: xaggee ku maqan yihiin saaxiibadii iyo xulafadii Iiraan? Iran waxaa muddo dheer taageerayay kooxo iyo dhaqdhaqaaqyo gobolka ku yaalla oo loo yaqaan “Axis of Resistance” sida Hezbollahida Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaad kale oo Ciraaq iyo Suuriya ka hawlgala. Si kastaba, inkasta oo qaar ka mid ah kooxahaasi ay cambaareeyeen weerarrada ama hanjabaado sameeyeen, haddana jawaabtooda milatari ilaa hadda waa mid xaddidan ama taxaddar leh, iyadoo arrimo badan oo gudaha iyo awood milatari ay saameynayaan go’aankooda. Falanqeyntu waxay sidoo kale eegaysaa sababaha keeni kara in xulafadaasi aysan si buuxda ugu biirin dagaalka, khataraha haddii ay si toos ah u farageliyaan, iyo sida xaaladdan ay u beddeli karto isu dheelitirka awoodda Bariga Dhexe. #Iran #IranWar #IranIsraelWar #USIranConflict #MiddleEastWar #BBCSomali #Israel #UnitedStates #Hezbollah #Houthis #MiddleEastAnalysis #Geopolitics #BreakingNews #WorldNews #GlobalPolitics