У нас вы можете посмотреть бесплатно Webi Ilo Janno: Idil Barkhadle Slowed and Reverb 🤍🎧 или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
Gorfayn Suugaaneed WEBI ILO JANNO – Idil Barkhadle Waa fanaanad Idil Barkhadle oo markan ku hadlaysa afka hablaha Soomaaliyeed oo dhan. Waa doorka iyo kaalinta suugaanyahanka iyo fannaanka in uu dadka dareenkooda ku hadlo, waaqaca bulsheed sawiro oo ka faalloodo. Heestani waa gardhigasho iyo dood ku socota ragga Soomaaliyeed. Raggu markan waa mid ay si toos ah u tilmaamayso, oo ay tahay in uu is garawsado, iyo inta kale oo ay tahay in ay wacyi iyo ogaal ku saabsan dareenka iyo tabashada geyaankooda ka helaan. Haddaad weji yeellan layd, Jacaylka wanaajin layd, Mid waanada qaadatoo, Waayeelaan noqon lahaa. Qofka “wejiga leh” waa midka yaqaan dadka kale waxa ay ka geyaan, iyo qofba meesha uu u joogo. Idil waxay leedahay: haddii aad garasho lahaan lahayd, oo aan samo iyo wanaag kaa arki lahaa, oo kalgacal iyo jacayl naftaydu kaa heli lahayd, wax-sheegaagu waa i geli lahaa. Sidayda ayaana waayeel iyo qof hayin ah u noqon lahaa, oo inaad i waaniso waad ka maarmi lahayd. Wanaagga aad ii samayso ayaan mid la mid ah kuugu gudi lahaa, sow ma ogid; samaha ayaa insaanka deeqa, oo wanaagga ayaa la isku addoonsadaa. Sidii wiil aan dhalaan, Warkaaga u xiisa laa, Sidii wacyi diiniyaan, Weedhaada dhegaysan laa. Sida hooyadu wacaasha ilmaheeda ka maqan ugu xiisto, ama sida wacdiga diineed loo dhuuxo, ayaan warkaaga u dhegaysan lahaa. Kuu xaal ogaan lahaa, oo samo kuugu rajayn lahaa goor kasta. Haddaad wacad xeerin layd, Kalsooni waldaafin layd, Midii kaa waabatee, Ku weyntaan noqon lahaa. Haddii aad wacadkii dhexdeena jiray dhowri lahayd, oo aad ka soo bixi lahayd ballanteenii ahayd “ku doortay ee i dooro” sida aan kuugu iimaan qabo ee aan nolosha kaaga doortay u garawsan lahayd; war-wareeg iyo hadal la sheego na iga dhawri lahayd; kalsoonida aad iga kasban lahayd. Waxaan noqon lahaa mid ku xushmaysa oo aad ku weyntahay. Lagama yaabeen inaad war xun iga maqli lahayd iska daa in aad fal xun iga aragtee. Ixtiraam iyo weynayn aad kasbatay baana kuu hayn lahaa; sow ma ogid dadku qofka ku weyn ixtiraamka ay u hayaan dartiis xumaanta uga dhowrsadaan. Haddii se aad wacadkii buriso, oo aad qof kale innagu sadaxayso, sidee ayaad wanaag iyo samo iiga filanaysaa? Sidee ayaad se ii hor iman kartaa adigoo is og waxa aad samaysay? Ma bilaa weji ayaad tahay! Sidii webi ilo jannaan, Kalgacal ku waraabin laa, Sidii wadnahayga taan, Waxyeelo kaa dhowri laa. Haddii aad ii ii wacnaan lahayd kalgacal xad dhaaf ah oo aan kala go’ayn, sida durdurka jannada, ayaan kugu soori lahaa, waxyeelo ayaan kaa dhowri lahaa, sidii ood naftayda tahay: waad ba tahee. Haddaynaan is waafaqayn, Runtii wehel dhaba ahayn, Waqtigu yuu iga lumine, Waxaad waddo ii cadee, Afkaaga wax iiga sheeg. Guurku waa wehel, muwaafaqo iyo isfaham. Waa is-dugsi iyo is-garabsi; waa is-xaal ogaan iyo iska warhayn. Haddii aanan midkoodna kugu qabin, af-gobaadsiga iga daa. “Reerkayga waan dhaqanayaa” iyo “Gabadhayda waan rabaa” war ma aha ee wax ii sheeg. Sidee ayaad nolosha ka damacday? Ma sidan in aan u noolaano ayaad dan moodaysaa? Anigu waqti lumis iyo in waayahaygii oo aan dayacayo ayaan u arkaa. Ragganimada iyo ninsheegninadu waxa ay ku jirtaa in uu ninku u roonaado gabadha uu Eebbe ku galladay, u roonaanshaha midkiisa ugu mudan na waa ka warhaynta dareenka iyo naxariista. Sida ay diintu innagu tidhi, ragga waxa u sita ninka dumarka u dhibriya, aakhiro janno ayuu ku mudan, ifkana nolol qiimo leh iyo kalgacal buu ku noolaan.