У нас вы можете посмотреть бесплатно Dr. Bayle | Kobcinta Kheyraadka Dhaqaalaha: Hababka Hal-abuurka Leh ee lagu Horumarin karo Da..... или скачать в максимальном доступном качестве, видео которое было загружено на ютуб. Для загрузки выберите вариант из формы ниже:
Если кнопки скачивания не
загрузились
НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием видео, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу
страницы.
Спасибо за использование сервиса ClipSaver.ru
💹 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝘀𝗮𝘆 𝗠𝘂𝘅𝗮𝗮𝗱𝗮𝗿𝗼 𝗞𝘂 𝗦𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗞𝗼𝗯𝗰𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗵𝗲𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 Jaamacadda Hargeysa, iyadoo kaashanaysa Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Bangiyada Islaamka, ayaa martigelisay muxaadaro aqooneed oo uu jeediyay Dr. Cabdiraxmaan Du’alle Bayle, La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Muxaadaradani waxay qayb ka tahay dadaallada jaamacaddu ku xoojinayso fahamka dhaqaalaha qaranka iyo doorka jaamacadaha ee kobcinta aqoonta ku saleysan hal-abuurnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Muxaadaradu waxay diiradda saartay mowduuca muhiimka ah ee “Kobcinta Kheyraadka Dhaqaalaha: Hababka Hal-abuurka Leh ee lagu Horumarin karo Dakhligga Dawladda iyo Qaybinta Miisaaniyadda Dawladda Somaliland.” Dr. Bayle ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay sida loo kordhin karo dakhliga qaranka, loo horumarin karo kheyraadka dabiiciga ah iyo bini’aadamka, loona dhisi karo hannaan dhaqaale oo waara. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay maamul dhaqaale oo daahfuran, qorshe miisaaniyadeed oo hufan, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga ee bulshada.